Baarlamaanka golaha shacabka oo ansixiyay Axdiga Afrika ee xuquuqda iyo Barbaarinta carruurta

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo maanta kulankoodii labaad ee kalfadhia 7-aad ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa cod u qaaday Axdiga Afrika ee xuquuqda iyo barbaarinta carruurta oo ay golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ay soo gudbiyeen.

Guddoonka golaha shacabka ayaa dooda kaddib, waxa uu u qaaday codeeyn ay ku meer marinayaan xildhibaanada axdigan, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe).

130 Mudane ayaa ogolaatay, 10 Mudane ayaa diiday, halka 5 xildhibaan ay ka aamustay, waxaana sidaas ku ansaxay Axdiga Afirka ee xuquuqda iyo barbaarinta carruurta oo u gudbaya golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xildhibaanada golaha shacabka, ayaa waxa horyaala ajandayaal badan oo u baahan in ay ku meel mariyaan kalfadhiga 7-aad, maadama kalfadhigan uu yahay midkii ugu dambeeyey labada Aqal ee Baarlamaanka, sida uu sharciga yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.