Muqdisho ( Raxanreeb Online) War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka xoogga dalka, ayaa digniin adag looga soo saaray isticmaalka Calaamadaha, gaadiidka iyo waxyaabaha u gaarka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, si loo xoojiyo amniga guud ee dalka.
Taliska ayaa si gaar ah ugu dhigay dadka ku howlan isticmaalka ama xiran caalamadaha daroojinka iyo agabka kale ee gaarka u ah ciidamada.
Sidoo kale war-saxafadeedka ayaa lagu xusay in qof kasta oo lagu qabto isaga si sharci darro ah u adeegsanaya astaamaha darajooyinka ciidanka ama dareeska laga qaadi doono tallaabo waafaqsan xeerarka ciidanka iyo sharciga dalka.
Sikastaba, digniintan adag ee kasoo baxday taliska ciidanka xoogga, ayaa ku soo aadeysa, iyada oo dowladda Soomaaliya, ay dhowaan soo bandhigtay gaari ciidan oo loo adeegsaday weerarkii maalmo ka hor Al-shabaab ay ku qadeen xarunta hay’adda Nabad Sugida ee Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho.


Leave a Reply