Puntland oo ka digay in meesha laga saaro sharciga iyo qawaaniinta heshiiska federaalka

Garoowe ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni, ayaa sheegay in Puntland, aysan marna aqbalayn in meesha laga saaro sharciga iyo qawaaniinta heshiiska lagu yahay ee federaalka Soomaaliya oo ugu horreeyo dastuurka kumeelgaarka ah, aysana sii fiirsanayn in dalku galo firaaq sharci iyo mid hoggaamineed ayna ka hortagi doonaan tallabadaasi.

“Dowladda Puntland marna ma aqbalayso in meesha laga saaro sharciga iyo qawaaniinta heshiiska lagu yahay ee federaalka Soomaaliya oo ugu horreeyo dastuurka kumeelgaarka ah, mana sii fiirsanayso in dalku galo firaaq sharci iyo mid hoggaamineed” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale Siciid Deni ayaa tilmaantay inPuntland ay si buuxda u taageerayso in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee dhawaan lagu dhisay Nairobi uu qaato mas’uuliyada badbadinta mustaqbalka dalka.

“Dowladda Puntland waxay si buuxda u taageeraysaa in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu qaato mas’uuliyadda ku saabsan badbaadinta mustaqbalka dalka. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha mustaqbalka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan sidii Soomaaliya uga bixi la hayd hubanti la’aanta amni iyo jaahwareerka siyaasadeed” ayuu raaciyay madaxweyne Deni.

Hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Puntland, ayaa ku soo beegmaya xili warar soo baxaya ay shegayaan in dowladda federaalka ay wado qorsho ay ku burburineyso golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee lagu dhisay magaalada Nairobi, kaasi oo ay ku mideysan yihiin maamulada Puntland, Jubbaland iyo golaha samata-bixinta Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.