Ciidanka Seychelles oo Weeraray Burcad Badeeda Dad Soo Afduubtay
Mahe (RBC Radio) Ciidanka badda ee Jaziirada Seychelles ayaa sheegay in dooni ay leeyihiin ciidanka ilaalada badda ay weerar ku qaadeen koox burcad badeed Soomaali ah oo afduubay dooni ay saarnaayeen 27 kalluumeysato Hindi ah oo ay ka qafaasheen badweynta Hindiya.
Doontan ay laahaayeen ciidanka ciidanka ilaalada badda ee Seychelles ayaa sheegay inay burburiyeen labo ka mid ah saddex doonyood oo ay burcad badeedu wateen ka hor intii aysan ka soo badbaadin kalluumeysatada.
Mid ka mid ah doonyihii ay wateen burcad badeeda ayaa degtay mid kalena dab ayaa qabsaday ka dib markii ciidanka ilaalada badda Seychelles ay rasaas ku fureen kooxda burcad badeeda, sida lagu sheegay war ka soo baxay xukuumada Seychelles. Xaalada kooxdii burcad badeeda ahayd ayaan la garaneyn halka ay ku dambeyso.
Hawlgalkan ayaa dhacay xilli ciidanka Seychelles ay soo badbaadiyeen lix ka mid kalluumeysatada Seychelles oo ay burcad badeedu afduubteen toddobaadkan.
Wasiirka gaadiidka Seychelles Joel Morgan, oo sidoo kale u xilsaaran arimaha burcad badeeda ayaa sheegay in ciidanka Seychelles ay sidoo kale weerareen kooxburcad badeed kale oo heysato markab laga leeyahay Iran iyo badmareeno Iraniyiin ah oo ay soo afduubeen. Waxaana ciidanka Seychelles ay sidoo kale soo badbaadiyeen raggaasi Iraniyiinta ah ka dib markii ay matoorada rasaas kaga dhufteen isla markaana burcad badeedii ay badda isku daadiyeen.
Kooxda burcad badeeda ee laga soo badbaadiyey shaqaalahan Hindida iyo Iraniyiinta ah ayaa dib ugu soo laabtay xeebaha Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiisha dalka Seychelles.
Waxaa uu hawlgalkan noqonayaa midkii ugu horeeyey ee ay ciidanka Seychelles ku qaadaan kooxaha burcad badeeda oo waayadan dambe bilaabay inay xeebaha Seychelles gaadiidka ka soo qafaashaan.









