Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Beesha Ceyr
Muqdisho (RBC Radio):-Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhaxgalay maamulka gobalka Banaadir iyo wasiiro iyo xildhibaano kasoo jeedo Beesha Ceyr kaas oo ku aadan dil dhawaan magaalada Muqdisho loogu gaystay gudoomiyihii degmada X/Jajab.
Ilo lagu kalsoonyahay ayaa RBC Radio u xaqiijiyay in khilaaf lixaad leh uu soo kala dhaxgalay maamulka gobalka Banaadir e uu hogaamiyo En.Nuune iyo Yuusuf Indha cadde wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Dowlada KMG ah.
Khilaafka ayaa yimid kadib markii ladilay gudoomiyihii degmada X/Jajab Axmed Sheekh Qoorleex oo ay isku hayb yihiin Indha Cadde xiligii uu dilku dhacayay ayay Afisyooni ku dagaalamayeen ciidanka Melleteriga iyo kuwa taabacsan Booliska gobalka Banaadir.
Xildhibaano iyo saraakiil dowlada katirsan oo kasoo jeedo Beesha Ceyr ayaa taliska ciidanka AMISOM ee Muqdisho ku sugan ka dalbaday in ay baaritaano ku sameeyaan maydka marxuum qoorleex si loo ogaado waxa uu u dhintay marxuumka.
Muddo 3-maalmood ah oo uu maydka Qoorleex ku jiray talaajado qaboojiyaal ah islamarkaana ay socdeen baaritaano ay samaynayeen AMISOM ayay ku sheegeen in Qoorleex uu u dhintay rasaas lahuwiyay.
Yuusuf Indha Cadde iyo mas’uuliyiin katirsan maamulka Gobalka Banaadir ayaa laxaqiijiyay in ay Hanjabaad isku mariyeen khadka taleefanka waxaana cirka iskusii shareeray khilaaf labada dhinac u dhexeeya.
Indha Cadde iyo Xildhibaanada Beesha Ceyr ee dowlada ku jira ayaa dacwad ka dhan ah maamulka gobalka Banaadir ugud biyay taliska ciidanka AMISOM maadaama madaxweyne shariif iyo R/wasaare Cumar Cabdi rashiid dalka ka maqanyihiin.
Saraakiisha AMISOM ayaa Indha cadde iyo beeshiisa ku qanciyay in ay xaalada dejiyaan inta ay kasoo laabanayaan madaxda dowladda KMG ah oo safaro dibada ah ku maqan islamarkaana aysan wax talaab ah qaadin.
C/risaaq En.Nuune iyo K/xigeenadiisa gobalka Banaadir ayaa lagu eedaynayaa in ay wax ka ogaayeen dilka Qoorleex waloow Kooxda Al Shabaab ay dilkaasi sheegatay hadane waxaa laxaqiijiyay in Qoorleex uu u dhintay rasaas lagusoo riday.
Mas’uuliyiinta Gobalka Banaadir ayuu cadaadis xoogan kasoo wajahayaa shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo saraakiil dowladda katirsan oo ku eedaynaya in ay awood u adeesanayaan meel marinta howlahooda.
Indha cadde ayaa kamid ah wasiirada dowladda ee laxisaabtama siyaasiyiinta dhigiisa ah waxaana la sheegaa in uu aad unecebyaha xad gudubka iyo in laga beensheego xaaladda taagan.
Ramadaan Sheekh Mohamed RBC Radio Muqdisho Somalia









waxaa aan suroben in besha haweye xintaman wadanka madax kayihin islamarkasana wadanka dagaal kasocdo oo shababku donayan in aay wadnka xoog ku qabsadan,iyaguna sida xasas lays laqabo isximimyan oo isxg-gaxgtan,waxaa haboon in aay xaq dhawran dadka somalida ah oo dawladda kula jira isla markasna gacmaha isqabsadan oo wadanka sidii loxoran laha ka shaqeyan,oo iska dayan xintanka dhexdoda iyo midka somalida kale kala dhexaya,oo qaranimada somaliyed sidii lo socelin laha kashaqeyan,loma bahna isqab qabsi nocan oo kale marka qaranimo ladonayo waxay ubahan tahay simir iyo adkeysi dheraad ah.
Asc.
Waa wax laga xumaado in ay xukun isku qabsadaan qaar ka mida Beelaha Hawiye xiligaan.Sababtoo ah dadkii baa dhiban oo Koonfur baa agaal sokeeye ka wada taagan yahay.Cayr ceeb kuma aha in ay wakhtigaan xukun u dagaalamaan.Cayr dhibta ka jirta Koonfur inta badan ayagaa ka masuula.Mashaakilka oo dhan ayagaa fure u ah.Dawladdii la keenaba ayagaa ka dhex kaca.Lama yaqaan waxa ka soo dhexsaaraya dadweeynaha Soomaaliyeed.Cayr wakhtigii uu Cabdiqaasim oran jirey waxaan ahay madaxweyne bay dhitaysteen maal iyo dambiyo badan.Cayr way is bideen.Waase looga dambo imaan doonaa.Cayr midna sax bay ku yahiin.Taasoo ah in ay say rabaan ka yeelan Xamar illaa Abgaal waxba qaban waaye.
Kanuur.
w s c
Waa wax laga xumaado in maamulka Abgaal ee gobolka Banaadir iyo Shariif ay yiraadaan Soomaalida kale ma arki karo ee ha nalaka fogeeyo, waxay khatar ku yihiin masuuliyiinta dawladda iyo ciidamada shisheeye ee aan keensaney. Waxay u soo egtahay maamulkii koofur Africa ee dadka khatarta ku ah ah caddaanka ee madawga ah meelo u gaar ah lagu ahayn jirey. Siyaasadda Shariif waa nin aan tolka ahayn madaxweyne ma noqonayo. gobolkana kama talinayo. hadda waxay maraysaa xaafado laga mamnuucey wixii aan tolka ahayn iyadoo lagu soo gabanayo xagga amaanka.
qabiilkii ceyr magaciisii waxaa meel kasta ku ceebeeyey dhowr nin ee yaa ka qabta?
ragan magaca qabiilka diley. somaliyey ceyr waa walaal keen ee magacooda haloo dhawro hana loo samro waxay geestaan sababtoo ah qabiilkiiyoo dhan dhowr nin ayaa ku shaqeystay oo aan ku shaqeyn magaca qabiilka iyo shisheeyuu gacanta u galey marka sidaa daraadeed inta ay si wax isaga badalayaan bal ha la dhowro qiimaha qabiilka ceyr