Xisbul Islaam oo Soo Dhoweysay Qubuuro Burburinta Al Shabaab Ka Wado Muqdisho

Muqdisho (RBC Radio):-Ururka Xisbul Islama ayaa bogaadin iyo taageero u jeediyay howlaha qabuura qodida ah oo ay dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ka wadaan degmooyinka gobalka Banaadir xilli wadaado iyo shacab reer Muqdisho ah kasoo horjeesteen qabuura qodida.

Sheekh Xaan Daahir Aweys Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam wuxuu sheegay in Al Shabaab ay ku saxanyihiin burburinta qabuuraha suufida islamarkaana arrinkaasi yahay fal wanaagsan oo ku dayasha mudan sida uu hadalka u dhigay.

Aweys wuxuu sheegay in uu Indhihiisa ku arkay Dad Soomaali ah oo ku dawaafaya qabriga Macalin Biya Maalow degmada H/wadaag oo kamid ahaa meelihii ay shabaabku sida daran u burburiyeen.

“Camalka ay Shabaabku qabteen waa mid kheyr badan, soomaalidu caadada ayaa kala weyn diinta islaamka in qabriyada sida xun loo caabudo laburburiyo waa wax wanaagsan islaamka oo dhana waafaqsanyahay, aniga idinla hadlaya ayaa masjika macalin Biya maalow ku arkay dad ku dawaafaya oo leh waan cibaadaysanaynaa”ayu yiri Xasan daahir Aweys.

Xisbul Islaam oo khilaaf xoogan kala dhexeeyo Al Shabaab ayaa kamidaysan dhanka fikirka ay ku diidanyihiin dariiqooyinka suufida oo ay u arkaan in ay dhibaato ku yihiin Ururada salafiga ah ee ka aas aasmay dalka Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay qabuura burburin iyo faagidba ka waday degmooyin katirsan magaalada Muqdisho waxayna banaanka soo dhigeen lafihii mashaa’ikh caan ah oo uu kamid ahaa sheekh Muxidiin Celi oo ku aasnaa waqooyiga Muqdisho.

Ramadaan Sheekh Mohamed RBC Radio magaalada Muqdisho

  • Share/Bookmark

Tags:

Hadii aad Dooneysid in aad Rayigaaga ka Dhiibatid Qoraalkaan amaba Qoraalada Kaleba waa in aad is Qortaa oo Member ka Noqotaa Raxanreeb.com.

Waxa Kaliya oo aad u Baahan Tahay in aad Sameysatid

  1. Magac kuu Gaar ah & E Mail kuu shaqeynayana aad ku qortid si aanu kuugu soo dirno Password adiga kuu khaas ah Kadibna Taabo Halka ay ku Qoran Tahay Register oo Qura.

    Isla Markiiba waxaan kuu soo diri doonaa Password kuu Khaas ah

Halkaan Guji Si aad u Sameysatid User Name kuu Gaar ah.

Emailkaaga ka eeg Password soo dirahana waxaa ku Qornaan Doono WordPress

Hadii aad Garan Weydo Sida la Isku Qoro oo Caawimaad u Baahatid E Mail noogu soo dir Raxanreeb@gmail.com ama aad soo Wacdid Tell (347) 878-2177

You must be logged in to post a comment Login

Fadlan Dhiibo Fikirkaaga si Xor ah, Kana Fogow Aflagaado, Dhaqan xumo ama Ku Xadgudub Shakhsi, Beel ama Koox Gaar ah.

Raxanreeb.com way Masixi Doontaa Haddii Commenti-gaagu uu yahay Aflagaado, Dhaqan xumo ama Xadgudub.