Puntland (Raxanreeb Online): Markab ku safrayay calanka Cameroon, isla markaana la sheegay inuu u rarnaa howlgalka Turkiga ee Soomaaliya, ayaa lagu soo warramayaa in horaantii toddobaadkan lagu afduubtay xeebaha Puntland.
Markabka oo lagu magacaabo LUTUF ayaa la sheegay inuu hadda ku jiro gacanta kooxo afduubayaal ah, iyadoo xaaladdiisa ay si dhow ula socdaan dhinacyada amniga badda.
Sida ay sheegayaan xogaha ay heshay Yoolbaar Media, maraakiibta dagaalka ee Turkiga ayaa marba marka ka dambeysa ku sii dhawaanaya goobta uu markabku ku xanniban yahay, balse ilaa hadda aan la xaqiijin tallaabo ay ciidamo ama saanad kaga dejinayaan markabka ama ay dhanka berriga uga gudbayaan.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in laba maalmood ka hor ay doon u dhawaatay markabka, waxaana la sheegay in ciidamada badda Turkiga ay duqeeyeen doontaasi, iyadoo ay dhinacaasi ku dhinteen afar qof oo la sheegay inay saarnaayeen.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in saaka aroortii ciidamada Turkiga ay mar kale duqeeyeen laashash ku dhowaanayay markabka.
Xogaha kale ayaa tilmaamaya in aagga markabka lagu hayo ay sidoo kale ku sugan yihiin shan markab oo kale, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin xaaladdooda iyo cidda gacanta ku haysa.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ama dowladda Turkiga oo xaqiijinaya dhammaan faahfaahinta dhacdadan. Sidaas darteed, xogaha ku saabsan weerarrada, khasaaraha iyo tirada maraakiibta kale waa in loo qaataa warar hordhac ah oo sugaya xaqiijin rasmi ah.

Leave a Reply