Ciidamo Ka tirsan DKMG Oo Sakay xiray Qaybo Ka mida ah Wada Maka Al-Mukarama Ee Magaalada Muqdisho
Muqdisho (Radio RBC )..Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa saaka lagu soo daadiyey qaar ka mid Degmooyinka gobolka Banaadir islamarkaana xiray wadada Sayid ee Magaalada Muqdisho iyadoona ciidamada Midoowka Afrika iyana ay isku gadaameen xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Dadka Shacabka ah ee socotada ah iyo gadiidka dadweynaha ayaa saaka loo diiday in ay maraan wadada Syidka ee Magaalada Muqisho, waxaana wadadaasi ka socda baaritaano ay wadaan ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo iyagu baaritaan ka sameeynaya xarunta golaha shacabka ee ay saacadaha soo aadan baarlamanka uu kulanka ku qaadn rabo.
Sidoo kale ciidamada Dowlada ayaa baaritaan ka sameeynaya isyooska debka iyo qeybo ka mid ah wadooyina Waabari iyo Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, waxaana aritaani ay la xiriirtaa xaqiijinta amaanka xarunta golaha shacabka ee ay saacadaha soo socda Baarlamanka ku kumi rabo.
Marka Baarlamanka uu ku balansan yahay kulan ayaa waxaa isbadal jawiga magaalada Muqdisho , waxaana deeganada ku dhow dhow guriga umada lugu daadiyaa ciidamada Dowlada halka Amisomna ay la wareegto amanka xarunta Baarlamaanka, waxaana Muqdisho ka dhaca duqeen culus,
RBC Radio









