Diyaarado Hub Sida oo Ka Degey Dhuusamareeb Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya (Warbixin)
Galkacyo (RBC) Ilo wareed degaanka ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyey RBC in saddex diyaaradood oo hub sida ay shaley (Isniin) ka degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Sida ilo wareedyadu ay xaqiijinayaan waxaa qiyaastii saddex jeer garoonka Dhuusamareeb ka soo degey diyaarad nooca xamuulka qaada ah taasi oo soo kala laabatay qiyaastii xilliga aroorta ee subaxnimadii Isniinta shaley iyo galabkii.
Dad degan Dhuusamareeb oo aan rabin inaan magacooda sheegno ayaa RBC u xaqiijiyey in diyaaradahaasi ay ka yimaadeen dhinaca Ethiopia oo ay ka keeneen hub isugu jira qoryo noocyadadooda aan la ogeyn iyo rasaas. Waxaana diyaaradaha looga daabulay gawaari dusha ka daboolan.
Dadkii joogay xaafadaha ku dhow garoonka ayaa sheegay inay arkeen gawaarida daboolan ee ka soo baxaysa garoonka kuna sii jeeda dhinaca magaalada.
Ma jirto wax xog ah oo laga helayo tirada hubka iyo noocyadiisa, inkastoo warar kala duwan oo na soo gaaraya ay sheegayaan in hubkaasi uu u badan yahay qoryaha AK-47, RPG iyo PKM oo ah noocyada ugu badan ee ay maleeshiyaadka Soomaalidu ku dagaalamaan.
Shixnadan waxaa sidoo kale ku jira rasaasta qoryaha fudud, miinooyin iyo qalab kale oo militari sida buraashadaha biyaha.
Isgaarsiintii magaalada Dhuusa mareeb iyo degmooyinka kale ee ku dhow dhow ayaa maalintii Sabtidii hawada laga saaray sababo lagu tilmaamay dhanka amaanka, waxayna imaanshaha hubkan ku soo beegmeysaa iyadoo isrgaarsiintu weli ay maqan tahay.
Masuuliyiinta Ahlu Sunna oo uu hubku u soo degey ayaan ka hadlin illaa hadda hubkan la sheegayo inuu u yimid iyo isgaarsiinta weli ka go’an Dhuusamareeb iyo degaanada ku xeeran. Waxaa sidoo kale la adkeeyey socodka gawaarida safarka iyo kuwa maraya gudaha Dhuusamareeb marka laga reebo kuwa ay leeyihiin ciidamada.
Wararka kale ee ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xoogaga Ahlu Sunna ay ka wadaan halkaasi dhaqdhaqaaq militari iyagoo qorsheynaya inay weerar ku qaadaan degmada Ceelbuur oo ka tirsan gobolka gacantana ugu jirta Al Shabaab.
Afhayeenka Ahlu Sunna Sheekh Abuu Yuusuf oo ka hadlay dhaqdhaqaaqyada ayaa cadeeyey in ciidamadooda ku sii jeedaan Ceelbuur sida uu hadalka u dhigay.
Dagaalo xoogan ayaa toddobaadkii tegey ku dhexmarey dhinacyada Ahlu Sunna iyo Al Shabaab degaano ku dhow Dhuusamareeb oo ah xarunta gobolka.
Guud ahaan xaalada gobolka ayaa u muuqata mid colaadeed iyadoo dhinacyada iska soohorjeeda ay weli wadaan is urursi iyo diyaargarow suuragal ka dhigi kara inay markale dagaalo dhacaan.
RBC Radio










aniga sida ee ila tahay ninkan la baxay al qaadi waa nin ahan jaray isbariste waxuun joogi jaray eirpotka balidogle 1993 waxuun markii danbe ku biray ciidamo la oran jaray aniga tabsaday uu hogamin jaray nin la oran jaray faro badan ninkaas oo ku dhintay gacanta raxanweyn dagaladii lagu qaday baydhaba.
marku malin walbo le yahay ceel buur ayaan uu socona war ceel buur iyo dhuusa mareyn magalooyinkii ka sokeyay ayaa lagu fadhiya sida warxoole oo afka hore guura ceel ku taal iyo hel lahelay oo ku yaalo afka hore ee dhuusa mareeb waxaa kalo 8 km mel uu jirta magalada dhuusa mareeb loo fadhiya oo magaceda la dhaho geed timir marka aniga ninkaan magacisa saxda ah waxaa la dhaha c/nuur macalin abshir ee ilaah inta uu ka baqo yuusan ka tagin magaca abahii iyo awoogii waxaan taas idin cadeyn karta in uu yahay moryaan isbarada balidoogle joogi jaray mantana waxuu la baxay c/raxman al qaadi war dadka in ee xasuus gooni ah uu le yihin ma oga miya dadkii uu badi jaray ee ku noola magalada wanlaweyn malin walbo waxuu isaga hadla iska hadal war inta tuulo iyo magaalo ee ku dhow jidka ad ka difacdan ethiopionka ee isku xero mataban to dhuuse mareeb kaliya ayaa gacantiina ku jirto ee iska iloowa in ad ku hadashan sida ciyaalkii oo kale dadku wuu yaqana inta ee isku jiran ceel buur iyo dhusa mareeb dhul iyo dhiig ayaan idin kaga sokeyo tagitankeeda