Xaalada Muqdisho oo Maanta Dagan Ka Dib Duqaymo Shalay Galinkii Danbe Ka Dhyacay Muqdish,,
Muqdisho (RBC Radio),,Xaalad daganaasho ah ayaa manta laga dareemayaa magaalada muqdisho ee caasimada dalka ka gadaal Duqaymo xoogan oo shalay ka dhacay magaalada muqdisho ku waas oo sababy dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka shacabkaa,
Ganacsigii iyo isu socodka gaadiidka iyo dadka ayaa saakay caadigoodii ku soo noqdey iyadoona la arkayo hawlihii ganacsiga ee suuqa bakaaraha oo ka mid ahaa goobihii shalay Madaafiicdu ay ku dhacday oo manta sidii caadiga ahaa u shaqaynaya.
Shalay ayay ahad markii ay Duqaymo xoogan ay ku dhaceen qaybo badan oo kamid ah muqdisho sida suuqa bakaaraha waxaana duqayntaasi ay sababtay dhimasho iyo dhaac soogaay dadka shacabkaa,
.
Suuqa bakaaraha ayaa muddooyinkii danbaba waxa uu bar tilmameed u ahaa Madaafiicda ku soo dhacda taasoo inta badan wax u gaysata dadka rayidka ah ee ka dukaameysta suuqaas ama ka xamaasha..
Dadka nku dhaqan xaafada qaar ayaa waxa ay cabasho ka muujiyeen duqaymahaan inta badan ku dhaca goobaha ay dadka rayidkaa ay daganyihiin
Inkastoo ay saaka caaladu tahay mid aad udagan ayaa hadana dadka reer muqdisho waxa ay mar kasta ay iska yihiin kuwo ka cabsi qaba in ay duqaymo dhacaan.
RBC Radio
xafiiska muqdisho







