Madaxa Hay,adda SSF iyo Xarunta Libareeriga Puntlnad oo RBC uga waramay Xarunta Libareeriga waxa ay u qabato Bulshada
(Garowe) RBC: Cabdi rashiid Maxamed Cali oo ah Madaxa Xarunta libareeriga Puntland ee Magaalada Garowe ee caasimada Puntland xarunteedu tahay oo waraysi gooniya siinayay Warbahinta RBC ayaa sheegay in xarunta Libareeriga ay tahay Xarun u shaqaysa Bulshada qaybaheeda Kala duwan.
Waxuuna tilmaamay in xarunta ay tahay xarunta kaliya ee Puntland ka howlgasha iyo xitaa Soomaaliya wallow ay jiraan sida uu sheegay xaruma kale oo Xarunta ka madaxabaanaan balsa aaysan xarumaha ahayn xaruma sida tan taya u leh sida uu sheegay Cabdi Rashiid .
Cabdi rashiid Maxamed Cali ayaa sheegay in aas aaskii xaruntaan ay ka danbaysay kidib markii la ogaday in muhiim ay tahay in la helo xarun laga helo macaluumaad kala duwan waxuuna sheegay in taa ay keentay in la aas aaso xaruntaa.
Xaruntaa oo ah xarun ay yalaan 4000 oo bug oo kala duwan ayaa waxa ka howlgla 17 shaqalo oo dhamaantood ah shaqalo u tababaran howlahaa xaruntaa lugu qabto waxuuna tilmaamay in dhamaan shaqaalahaa ay yihiin kuwaa aad aqoon ugu leh shaqooyinka kala duwan ee xaruntaa laga qabto.
Goobtaa ayaa ah goob ay u soo akhristagaan dad kala duwan oo iskugu jira arday iyo dadyoow kale kuwaas oo aan lugu xirin wax dhaqalo ah waxa ayna yimaadaan waqtiga ay doonaan gaar ahaan xiliyada xarunta furan tahay waxa ayna ka baxaan xiliga ay doonaan sida qaarkood oo aan xaruntaa kula kulmay ii sheegeen.
Xaruntaa libareeriga Magaalada Garowe oo dad badan u soo akhristagaan ayuu sheegay madaxa xaruntaa in ay kala kulman dadka imaanaya caqabado kala duwan oo an sida u badnayn balsa sida uu sheegay asagu in oo u arko baahiya in ay ku kaliftay in ay buugaataa fursada loo siiyaya in ay ka faa,idaystaan in qaarkood dadkaa ay isku dayaan in ay xadan.
Xarunta libareeriga ayaa la aas aasay sanadii 2007 waxaana tan iyo xiligaa wixii ka danbeeyay xarunta ahayd mid la sii balaarinayay si loo gaarsiiyo Gobalada kala duwan ee Puntland wallow aysan wali si rasmi ah xaruma waa wayn ugu yeelan Gobalada Puntland waxana iminka socda qorsho la rabo in lugu balaariyo .
RBC NEWS
Xafiiska Garowe
C/raxmaan ilkacase








