Ganacsade Reer Boosaaso ah oo Ka Mid Ahaa Dadkii Ku Geeriyooday Diyaaradii Ku Dul-Burburtay Islamabad

Boosaaso (RBC) Ganacsade Bashiir Barre Samatar oo ka mid ahaa ganacsatada caanka ah ee reer Boosaaso ayaa ka mid noqday 152 ruux oo ku naf waayey shilkii diyaaradeed ee maalintii shaley ka dhacay hawada magaalada Islamabad ee caasimada dalka Pakistan.

Ehelada marxuumkan oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa RBC u xaqiijiyey in Allah ha u naxariistee  ganacsade Bashiir Barre Samatar uu ka mid ahaa rakaabkii saarnaa diyaarada  (Airbus) 321 oo ka soo duushay magaalada Karachi kuna sii jeeday caasimada Islamabad, halkaasi oo ay ku burburtay.

Ganacsadahan Soomaaliyeed ee ku geeriyooday shilka oo markii hore ka tegey magaalada Boosaaso ayaa hawlo la xiriira ganacsigiisa u joogay dalka Pakistan sida ay RBC u sheegeen Ehelada Marxuumka.

Allah ha u naxariistee ganacsade Bashiir waxaa uu ka shaqeyn jiray ganacsiyo kala duwan oo u badan dhoofinta iyo soo dejinta, wuxuuna sanadihii dambe ka ganacsanayey baabuurta iyo qalabkooda.

Shilkan diyaaradeed oo maalintii shaley ka dhacay hawada sare ee magaalada Islamabad ayaa waxaa ku geeriyooday dhamaan 152 ruux oo diyaarada saarnaa kuwaasi oo 146 ay ahaayeen rakaab. Waxaana diyaarada iska lahaa shirkada Airblue Service oo ah shirkad ka shaqeysa duulimaadyada oo gaar loo leeyahay.

Dalka Pakistan waxaa ka socota baroordiiq loogu murugoonayo shilkan, iyadoo ay weli socdaan hawlihii gurmadka ahaa ee lagu soo saarayey meydadka.

Illaa hadda waxaa la soo saaray meydad gaaraya 115 ruux oo ka mid ah dadka geeriyooday waxaana weli la baadi goobayaa dadka kale ee maqan kuwaasi oo la raadinayo.

Muuqaalada telefishanada ayaa laga daawaday diyaarada oo gubaneysa iyadoo uu qiiq badan ka baxayo goobta uu ku dhacday burburka diyaarada.

Dowlada Pakistan ayaa sheegtay inaan weli la helin sanduuqa madow ee diyaarada si loo ogaado sababta keentay shilkan.

RBC Radio

  • Share/Bookmark

Tags:

Hadii aad Dooneysid in aad Rayigaaga ka Dhiibatid Qoraalkaan amaba Qoraalada Kaleba waa in aad is Qortaa oo Member ka Noqotaa Raxanreeb.com.

Waxa Kaliya oo aad u Baahan Tahay in aad Sameysatid

  1. Magac kuu Gaar ah & E Mail kuu shaqeynayana aad ku qortid si aanu kuugu soo dirno Password adiga kuu khaas ah Kadibna Taabo Halka ay ku Qoran Tahay Register oo Qura.

    Isla Markiiba waxaan kuu soo diri doonaa Password kuu Khaas ah

Halkaan Guji Si aad u Sameysatid User Name kuu Gaar ah.

Emailkaaga ka eeg Password soo dirahana waxaa ku Qornaan Doono WordPress

Hadii aad Garan Weydo Sida la Isku Qoro oo Caawimaad u Baahatid E Mail noogu soo dir Raxanreeb@gmail.com ama aad soo Wacdid Tell (347) 878-2177

You must be logged in to post a comment Login

Fadlan Dhiibo Fikirkaaga si Xor ah, Kana Fogow Aflagaado, Dhaqan xumo ama Ku Xadgudub Shakhsi, Beel ama Koox Gaar ah.

Raxanreeb.com way Masixi Doontaa Haddii Commenti-gaagu uu yahay Aflagaado, Dhaqan xumo ama Xadgudub.