Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Djibouti oo Ku Baaqay Doorasho Xor ah Inay Ka Dhacdo Dalka (Dhageyso)
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jamhuuriyada Djibouti Ismaciil Guuled Xareed ayaa ku baaqay in dalka ay ka dhacdo Doorasho xor ah oo ay ka qeybgalaan dhamaan mucaaradka sanadka 2011.
Ismaaciil Guuleed ayaa wareysi uu maanta siiyey RBC waxaa uu ku sheegay in doorashadu ay tahay waxa kaliya ee mucaaradka ku heli karaan in la bedelo xukunka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo hadda markii saddexaad u tartami doona kursiga madaxtooyada.
Wuxuu sheegay in dadka reer Djibouti ay diidan yihiin nidaamka dalka ka jira oo loo arko mid kaligii talis ah, sida uu yri.
“Dadku waxay leeyihiin dalka ma isagaa leh (Ismaaciil Cumar Gelle) aanagana ma isagaa na leh“, ayuu yiri Ismaaciil Guuleed.
AMA 
Ismaaciil Guuleed wuxuu xusay in axsaabta mucaaradka ay gebi ahaan diideen in mar saddexaad uu tartamo madaxweyne Geelle, wuxuuna ugu baaqay inuu iska fariisto marka uu dhameysto xillihiisan.
Ururada mucaaradka, ayuu sheegay inay soo jeediyeen 9 qodob oo ay ku micneeyeen in ay doorashada ku noqon karto mid xallaal ah oo ka fog wax isdaba marin. Hase yeeshee wuxuu Ismaaciil Guuleed muujiyey shakiga weyn ee laga qabo sida doorashadan soo socota ee Djibouti ka dheceysa 2011 ay ku noqon karto mid nadiif ah oo ka fog khiyaamo.









