Xarakada Al Shabaab oo Dagaal Kula Wareegtay Degmada Yeed
Muqdisho (RBC) Dagaal xoogan oo maanta ka dhacay degmada Yeed ee gobolka Bakool ayaa Xarakada Al Shabaab waxay kula wareegtay gacan ku heynta degmadaasi.
Wararka degaanka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in dagaalka maanta uu bilawday ka dib markii Xarakada Shabaab ay weerar ku qaaday degmada oo ay horey gacanta ugu hayeen ciidamo taabacsanaa dowlada ku meel gaarka Soomaaliya.
Xoogaga Shabaab ayaa maanta gooyey Isgaarsiinta degmada iyadoo ciidamada Xarakadu ay bilaabeen hawlgalo roondo ah oo ay degmada ku sameynayaan.
Ciidamadii taabacsanaa dhinaca dowlada ee laga saaray Yeed ayaa u firxaday dhinaca xuduuda Ethiopia.
Dad degaanka ah ayaa RBC u sheegay in dagaalka maanta uu geystey khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah.
Degmada Yeed oo ka mid ah gobolka Bakool ayaa in mudo ah aan ku jirin gacanta Xarakada Shabaab oo maamusha inta badan degaanada labada gobol ee Bay iyo Bakool.
Saraakiisha Shabaab oo maanta ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inay guulo ka gaareen dagaalka ayna sii wadaan baacsashada dhinicii ka soo horjeeday. Mana jirto wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca maamulkii dowlada ee degmada gacanta ku hayey.
RBC Radio









