Mudaaharaad Calanka Soomaaliya Lagu Suray oo Maanta Ka Dhacay Hargeysa & Dad Loo Xirxiray

Hargeysa (RBC) Ciidamada booliska magaalada Hargeysa ayaa maanta awood u isticmaalay dadweyne careysan oo mudahaaraad ka sameeyey xaafada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Ugu yaraan 3 ruux ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii ciidamo tiro badan ay isku dayeen inay joojiyaan mudaharaadkan oo cabasho ahaa isla markaana lagu diidanaa qaabka loo soo xulay xubnaha cusub ee wasiirada ee uu shaey ku dhawaaqay madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Dadweynaha mudaharaadayey ayaa lulayey calanka Soomaaliyeed ee buluuga ah, waxayna ku cabanayeen in qaar ka mid ah beelaha Somaliland dega laga tegey oo aan la siin wasiiradii ay filayeen, halka qaarna laga qadiyay xukuumada cusub taasi oo ay ku tilmaameen mid xaq darro ah.

Taayaro waaweyn ayaa lagu gubay waddooyinka magaalada qaarkood, waxaana sidoo kale hakad galay isu socodka gaadiidka ee gudaha magaalada ka dib markii dhagxaan ay dadku ku xireen wadooyinka.

“Dooni meyno dowlad xaq daro ah, ha dhacdo xukuumada cusub”, ayaa ka mid ahaa ereyada ay ku mudaaharaadayeen dadkaasi.

Booliska ayaa rasaas u adeegsaday mudaaharaadkan, waxaana wararku sheegayaan in ugu yaraan 2 ruux ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo la geeyey isbitaalka guud ee Hargeysa.

Xukuumada cusub ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho mudaaharaadkan, waxaana uu ku soo beegmay iyadoo maanta qaar ka mid ah wasiirada cusub ee shaley la magacaabay ay xilalkooda la wareegeen.

Siyaasiyiinta Somaliland qaarkood ayaa sheegaya in madaxweyne Siilaanyo uu soo bandhigay liis gole wasiiro oo aan isu dheelitirneyn marka loo eego awooda qabiilada ku wada nool Somaliland, maadaama Soomaalidu wax ku qeybsato habka qabiilka sidaasi darteedna beelaha qaarkood ay u arkaan dowladan cusub mid xaqoodii duudsiisay.

Mudaaharaadkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo labo maalmood oo kaliya uu xafiiska joogo madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ku guuleystay doorashadii madaxtooyada ee dhacday 26 June.

RBC Radio

  • Share/Bookmark

Tags:

Hadii aad Dooneysid in aad Rayigaaga ka Dhiibatid Qoraalkaan amaba Qoraalada Kaleba waa in aad is Qortaa oo Member ka Noqotaa Raxanreeb.com.

Waxa Kaliya oo aad u Baahan Tahay in aad Sameysatid

  1. Magac kuu Gaar ah & E Mail kuu shaqeynayana aad ku qortid si aanu kuugu soo dirno Password adiga kuu khaas ah Kadibna Taabo Halka ay ku Qoran Tahay Register oo Qura.

    Isla Markiiba waxaan kuu soo diri doonaa Password kuu Khaas ah

Halkaan Guji Si aad u Sameysatid User Name kuu Gaar ah.

Emailkaaga ka eeg Password soo dirahana waxaa ku Qornaan Doono WordPress

Hadii aad Garan Weydo Sida la Isku Qoro oo Caawimaad u Baahatid E Mail noogu soo dir Raxanreeb@gmail.com ama aad soo Wacdid Tell (347) 878-2177

You must be logged in to post a comment Login

Fadlan Dhiibo Fikirkaaga si Xor ah, Kana Fogow Aflagaado, Dhaqan xumo ama Ku Xadgudub Shakhsi, Beel ama Koox Gaar ah.

Raxanreeb.com way Masixi Doontaa Haddii Commenti-gaagu uu yahay Aflagaado, Dhaqan xumo ama Xadgudub.