Sami Khadira Oo Ku Biiray Kooxda Real Madrid

Xidiga qadka dhexe ugu ciyaari jiray Kooxda Suuttgart Sami Khadira ayaa ku biiray Kooxda Real Madrid oo si wayn todobaadyadii lasoo dhaafay u baadi goobaysay.

Sami Khadira ayaa ku qanacsanaa inuu ka hoos ciyaaro Macalinka cusub Ee  Real Madrid  Jose Morinho isagoo haatan ka mid noqday xidigaha wawayn Ee Real Madrid inkastoo uusan wali marin tijaabada caafimaad, waxaana Tijaabada la marsiin doonaan marka uu qalinka ku duugo qandaraaska iyo Mushaaraadka uu Real Madrid ka qaadan doono.

 Xidigaani ayaa ka mid ah xidigihii kusoo caan baxay Koobka Adduunka isagoo usafanaye Xulka Germany,waxuuna nasiib uyeeshay inuu Line up ka helo Xulka Germany inta uu soconaye Koobka Adduunka, fursadaani waxay u saamaxday xidigaani markii uu Captainkii Germney Ballack uu soo gaaray dhaawac isagoo buuxiye booskii Ballack, xidiigani haatan ku biiray Kooxda Madrid Ee Sami Khadira.

Khadira waxaa iska dhalay Aabe Indonisian iyo Hooyo Germany waxuuna noqnayaa xidigii labaad ee kusoo biira Real Madrid kadib markii uu Macalinimada Naadiga La wareegay Jose Morinho oo naadiga keenay Xidiga Angel D Maria.

Shakra’ RBC Sports

  • Share/Bookmark

Hadii aad Dooneysid in aad Rayigaaga ka Dhiibatid Qoraalkaan amaba Qoraalada Kaleba waa in aad is Qortaa oo Member ka Noqotaa Raxanreeb.com.

Waxa Kaliya oo aad u Baahan Tahay in aad Sameysatid

  1. Magac kuu Gaar ah & E Mail kuu shaqeynayana aad ku qortid si aanu kuugu soo dirno Password adiga kuu khaas ah Kadibna Taabo Halka ay ku Qoran Tahay Register oo Qura.

    Isla Markiiba waxaan kuu soo diri doonaa Password kuu Khaas ah

Halkaan Guji Si aad u Sameysatid User Name kuu Gaar ah.

Emailkaaga ka eeg Password soo dirahana waxaa ku Qornaan Doono WordPress

Hadii aad Garan Weydo Sida la Isku Qoro oo Caawimaad u Baahatid E Mail noogu soo dir Raxanreeb@gmail.com ama aad soo Wacdid Tell (347) 878-2177

You must be logged in to post a comment Login

Fadlan Dhiibo Fikirkaaga si Xor ah, Kana Fogow Aflagaado, Dhaqan xumo ama Ku Xadgudub Shakhsi, Beel ama Koox Gaar ah.

Raxanreeb.com way Masixi Doontaa Haddii Commenti-gaagu uu yahay Aflagaado, Dhaqan xumo ama Xadgudub.