Nairobi (RBC) Allah ha u naxariistee Xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud oo saaka waabarigii ku geeriyooday magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa galabta lagu aasay qubuuro ku yaalla magaaladaasi iyadoo aaska marxuumka ay ka soo qeybgaleen madax heer qaran iyo dadweyne aad u fara badan. Meydka marxuumka ayaa galabta laga qaaday isbitaalka Aga Khan oo uu [...]









