Home » Bashir M. Hersi
You are browsing entries tagged with “Bashir M. Hersi”
Ku meel gaarkii ma laga baxay?! Bashir. M. Hersi brdiraac@hotmail.com Sabteembar 08 2012 Xaaladdu u ekaa Dhacdadii “Iima aha!” ee dhex martay “Rag xayn ah oo u hoydey bakhayl” ee nin si fiican u yaqaani raggii ku yiri: “War kan anigaa aqaane, gacmo wax bixinaya ma lahan igana wada!” ee halhays ka dhigtay eraga “Iima [...]
September 8 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Umuloow: Waraabaha maxaa xiga?! Bashir M. Hers Brdiraac@hotmail.com Agoosto 24 2012 Soomaalidii hore Wadaadada siyaabo badan ayey uga hadleen, ammaan, dhaleecayn, wiirsi iyo maadba isugu jira, mid walbana dhacadeeda ayey lahayd. Guud ahaan wadaadadu marna Siyaasadda kuma jirin, isuma soo hagoogin, han iyo hawana kama galin, hadallo u yaallay, haaneed ka ilaalinayey iyo habsami la [...]
August 24 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Dastuur duran iyo Dal dayacan! Bashir. M. Hersi brdiraac@hotmail.com Agoosto 16 2012 Taariikhda ninba sibuu u yaqaane, waxay hayd maalin taariikhi ah, ninba si u qaaday guul iyo guuldarree, waxay ahayd maalintii la meelmarshay Dastuurkii qabyo qoraalka ah, Indhihi eegayey ama Dhagihii u taagnaa dhanka Madasha Shirka inay ku hungoobeen u badi, dhan walba marka [...]
August 16 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Saxiixayaasha Roadmapka iyo rabitaankooda sirgaxan! Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com Agoosto 08 2012 “Shacab walba madax u qalanta ayuu helaa!” Winston Charchill ayaa yiri, noolaa (30 Novembre 1874 – 24 January 1965). Philosopher Jean-Jacques Rousseau oo noolaa (28 June 1712 – 2 July 1778) wuxuu yiri: “Waxaan ogaaday in wax walba ku xiran yahay asal ahaan Siyaasadda, [...]
August 8 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Doodda Dastuurka iyo Dabinnada dahsoon! Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com Luulyo 14 2012 Daneyste aan darajo lahayn, damaciisa gaar ahaaneed ma ahine aan damqasho iyo dareen wadaniyadeed u dhalanin, dooddiisu tahay maxaa iga dega? Aan dad, dal iyo diin dan iyo heello midna ka lahayn, ninka u dhiibay DASTUUR QARAN yaa dambiga hore iyo gadaalba qaadaya, [...]
July 14 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Foosha kala guurka iyo Foolka Dawladnimo Bashir. M. Hersi brdiraac@hotmail.com Luulyo 03 2012 Muqdishiyo Hargaysiyo Jabuutoo hareer taal Sanad guuro haybliyo Hawraar san gobonnimo Had iyo jeer ku daaqa! Waxaa xusas gooni gooni ah ka kala dheceen Hargaysa, Muqdisha iyo Djibouti, maalintii 26-ka June ee xornimada qaateen Gobollada Waqooyi, sidoo kale 27-ka June waxaa Djibouti [...]
July 3 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Anna Musharrax baan ahay! Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com Juunyo 24 2012 Qof adduun jooga addinkiisu ma laabmo, haddaan iilka la jiifin. Erayo ka mid ah hees uu ku xareediyo Alfannaan Axmed Rabsho (AUN) ayaa ahaa: Dhammideed adduunyada Addin baan ku kooboo Socod iima laabnee! Sidoo kale, Aadanaha afkiisu ma aamuso, haddaan ajashiisu dhammaan. Addin iyo [...]
June 24 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Odayo Dhaqan mise Odayo Dhibaad?! Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com Juunyo 16 2012 Alla Dhaqanguurka ka dhacay baaxad weynaa, haddii dhallinta dhalanrog lagu dhaliilay, haddii da’yarta dammanaan lagu daabacay, Odoyo dhaqameed dhaqan oday iyo dhaqan Dhaqan laga hayn, maxaa lagu dhigaa?. Aanse xigtee, Dhaqan iyo Oday dhaqamadeed, maxay kala yihiin? Maxaase ka dhexeeya, oo isu keena? [...]
June 16 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Foolal cusub iyo Faro caddaana Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com Juunyo 03 2012 Kala guur yaan ku jirnaa, kolkii horana ku meel gaar yaan ku jirnay. Waa kala guran, isu guran, wada guran, aan marna is gaarin la kalana guurin. Marar badan ma istiraa, sida wax u socdaan wax ba isma badalayaan! Mar quus yaa keeni, [...]
June 3 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Guddoonka Gunnimada! Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com Maajo 28 2012 Dalku wuxuu ku jiraa xaalad adag, waxaa lagu jiray ku meel guur, iminkana waxaan ku jirnaa kala guur, waxaa madlan in laga guuro kala guur iyo ku meel gaarba, sida looga guurayo, qaabka loo guurayo iyo hannaanka looga guurayo, ma cadda, kaba sii darane, meesha loo [...]
May 28 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Qiblada Qabbaaniyaasha! Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com Maajo 21 2012 Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiraah: “Biyo ururo meel godan ayay isugu tagaan” mid kalene waxay leedahay: “Geel tegay tubihi ceel” mid kalena waxay ahayd: “Biddoow anigu ku sheegayee, yaan camalkaagu ku sheegin”. Sida qarankii u qallibmay, waxaa Soomaaliya loo qabtay dhawr shir, dhammaan ku suntanaa nabadeyn, waxaase [...]
May 21 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Marxaladda kala guurka ah iyo Madaxda mustaqbalka Q:3AAD Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com Maajo 16 2012 Aqriste, haddaan qaybtii hore ee qormada uga hadlay, Arar, Marxaladda kala guurka ah, Guddiga Dastuurka iyo qayb ka mid ah Dastuurka qabyo qoraalka ah. Qaybtii xigtana ku qaabiyey: Qayb ka mid ah Dastuurka qabyo qoraalka ah, Dastuurro is diiddan iyo [...]
May 16 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Yaa Qaswade ah?! Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com Maajo 10 12 Noloshu galinba waa heer, aadanuhuna goor walba himilo inuu gaaro ayuu u guclaynayaa, jid iyo jiho la’aan is biirsaday ayaase hoggaanka u haya, waa midda horee, waxaan jirin dhabbo loo maro himilooyinkaa, midda kale waa; si jiho loo helo, haddaanba maanka la adeegsan miyaa qiblaba [...]
May 10 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Gardarrada Gaas oo laga wada gilgishay Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com Maajo 04 2012 Murti ayaa dhahaysa: “Nimaan talin jirin hadduu taliyo, nimaan tagi jirin ayaa taga” mid kale waxay leedahay: “Nimaan qaybin jirin hadduu qaybiyo, nimaan qadi jirin ayaa qada” mid kale ayaa oranaysa, dadka saddax ayaa ugu xun: “Tiraab xume, Talo xume iyo Tab [...]
May 4 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Marxaladda kala guurka ah iyo Madaxda mustaqbalka Q:2AAD Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com Abriil 27 2012 Haddaan qaybtii hore oo qormada uga hadlay; Arar, Marxaladda kala guurka ah, Guddiga Dastuurka, iyo qayb ka mid ah Dastuurka qabyo qoraalka ah, ayaan qaybtanna ku sii qaadaa dhigayaa, wali qaybo ka mid ah Dastuurka, Dastuurro is diiddan iyo Dastuur [...]
April 27 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Marxaladda kala guurka ah iyo Madaxda mustaqbalka Q:1aad Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com Abriil 20 2012 Waxaa maalmahan loo wada xusul duubayaa ama xawli loogu jiraa, sidii loo soo xuli lahaa gudiyada marxaladda kala guurka ah, si ay u qabtaan hawlo badan oo aad u adag, labo ayaase ugu muhimsan gudiyadan, kalana ah: Ansixinta Dastuurka qabyo [...]
April 20 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Madax qalaad mase madax qaran?! Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com Abriil 12 2012 Dadka dunidan dulsaaran waxaa lagu kala soocaa af iyo addin, micnaha waxaa lagu kala saaraa dhawaq iyo dhudhun, haddaan si kale u dhaho, waxaa lagu kala duwaa dibna hadal iyo duud heeryo, dabcan, deegaan dayran iyo dabeecad duummanna ha daleel marin, xeer beegti, [...]
April 12 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Shaxda shirqoollada iyo Shabaqa Shabaab Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com Maarso 09 2012 Murti ayaa dhahaysa: “Aqool xumo abaar ka daran” mid kale waxay leedahay dadka saddax ayaa ugu xun: “Tiraab xume, Talo xume iyo Tab xume” tu kale waxay leedahay ninna waxaa laga sheegay inuu yiri: “Maantoon Talo haayo Tabar ma hayo, maalintaan Tabar haayana [...]
April 9 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Soomaali: is ma dhaanto iyo dhasheed Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com Maarso 04 2012 Siday u dhacday Dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, waxaa wadanka gees ka gees soo galay Jabhado hubaysan, lana baxay magacyo ay horgale u ahaayeen Shibbanaha ‘S’ saabse u ahaa ururro siyaasadeed, ninkii aan surka suran saaxada lamaga maqlayn sawaxankiisa, seyladda suuqa siyaasaddana [...]
April 4 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Fomaajaa fiijiyey farina u taagan tahay Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com Maarso 21 1012 Maalmahan waxaa saxaafadda qabsaday mudane Mahige oo aan u baxshay “Ma Hinge” oo dhinac ah, madaxweyne Shariif “Haye”+ Aala Sheekh oo dhinac ah iyo Ra’isul wasaarihii hore Mudane Formaajo “Boqolle”, oo dhinac ah, waxaa hawada la isu mariyey eedaymo iyo erayo kulkulul, [...]
March 21 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Maqaal: Faroole oo Farta lagu wada fiiqay! Q: 1-aad Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com Maarso 13 1012 Aqriste/ato, inta aadan qormada aqrin, fadlan bal daawo muuqaalkan ku jira xariggan hoose, si aad u ogaato qodobada qormadu ku qotonto, dabadeed qaabka aad doonto u qaado. Aqris wanaagsan. http://blip.tv/somaliswiss/faroole-halka-uu-dhigay-puntland-5860208 Murti ayaa dhahaysa: “Nimaan talin jirin hadduu taliyo, nimaan [...]
March 13 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Ahlusunnooy: Lagga aragtaye Laaca ma ogtahay? Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com Maarso 06 2012 Maahmaah ayaa dhahaysa: “Ninkii qeyrkiis loo xiiroow Adiguna soo qoyso!” mid kale waxay leedahay: “Qoray iyo Qiiciis waa la isla tuuraa” dhanka kale, dadka waxaa halqabsi u ah, markay arkaan laba wax oo is leh, in la is raaciyana mudan, inay dhahaan [...]
March 6 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »
Colka Waraf ma lagu dayey? Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com Feb 28 2012 Soomaalidaa waxay tiraa: “Mar i dage Allaha dago, mar labaad idagase Anaa is dagay” Xadiiskuna waa kii lahaa: “Mu’minka god laba mar lagama wada qaniino” murti kale waxay leedahay: “Nin jiifa lama lagdo” mid kale waxay tibaaxaysaa: “weel walba wixii ku jiraa ka [...]
February 28 2012 | Posted in OPINION, RBC, WARARKA | Read More »