Qaahira (RBC) Musharraxa xisbiga Xoriyada iyo Cadaaladda Maxamed Mursi oo kasoo galay dhanka Ikhwaanul Muslimiin ayaa si rasmi ah caawa loogu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee wadanka Masar. Guddiga doorashada Masar oo galabta shaaca ka qaaday natiijada doorashadii codbixinta ee dhacday 16-17 bishan June ayaa sheegay in Maxamed Mursi uu ku guuleystay 51.7% [...]











