Nabad Sugidda Soomaaliyeed S. Shire dantaguud@hotmail.com Agoosto 25 2012 Dhaqan ahaan ka sheekaysiga siyaasaddu nolol maalmeedka bulshada Soomaaliyeed dhumuc weyn ayuu ku leeyahay. Marka dib loo jibaaxo taxanaha, waagii reer guuraaga la ahaa, kolka labo geeddi bar ku kulmaan oo la geeddi-furo, marka reeryada ratiga laga rogo oo dhidibbada aqalka la qotomiyo, ayaa shaah lagu [...]











