GUUSHA IYO GUULDAROOYINKA LAMAANAYAASHA IS DOORTEY.
Qore: C/qafar Axmed Shire (Mr Gurxan).
Proffgurxan@raxanreeb.com.
HORDHAC
Ugu horeyn waxay mahad dhamaanteed u sugnaatay Allah SWT, Nebi Muxamedna naxariis iyo nabbad galyo dushiisa ha ahaato.
Marka xiga siddaan kawada warqabno bulshada soomaliyeed, sanadihii iyo waayadii ugu dambeeyay waxaa lasoo darsay dhibaatooyin, iyo hagardaamooyin dhinac walba ka saameeyay dhaqanka guud ee bulshada soomaliyeed, hadey noqon lahayd arimaha siyaasada bulshada iyo waliba dhaqaalaha, hadaba anigoo burburkaasi dhinac walba hagardaameeyay ka duullaya ayaa waxaan soo qadimayaa qodob aad muhiim u ah oo ku saabsan wada noolaashaha, is aamminida, iyo kalsooni dhisida qoyska gaar ahaana lammaanayaasha is doortay, anigoo qoraalkayga ku sallaynaya Guulaha iyo Guul darrooyinka lammaanayaasha is doortay.
Inkastoo dad farabadn oo kamida bulsho weynta caalamka ku nool ay si dhaba ugu guul daraysteen guurka islamarkaana ay lasoo darseen dhibaatooyin iyo caqabado lama dhaafaan ku noqday islamarkaana burburiyay xiriirkii guurka ee ka dhaxeeyay labada lamaane, hadaba bulshada soomaaliyeed oo 100% dad muslima oo waliba suniyiina ayaa kamida dadka ay lasoo darseen caqabadaha lama dhaafaanka ku noqday guurka oo markaasi soo dedejiya furiinka iyo iney gebiba kala hayaamaan lamaanihii jaceylka iyo farxadda isku soo guursaday amaba ku midoobey.
Akhristoow si kastaba ha noqotee waxaa jira qaabab farabadan oo markaasi lagu hagaajin karo cawaaqib xumo kasta oo la soo derista geeddiga iyo guurka lammaanayaasha waase hadii labada lamaane ay daacadnimo u hayaan rabitaankooda iney ku heshiiyaan.
Waxaana loo baahan yahay in arrimo farabadan ay si wada jira u maareeyaan si ay ugu guulaystaan guusha dhabta ah amaba libta xaqiiqiqiga ah ee Guurka iyo wada noolaanshaha, arimahaasi loo baahan yahay in si wada jira loo qabto, waxaan noogu soo horqabanayaa:
a1- Go,aan qaadashada: Waa arin muhiim u ah jiritaanka xiriirka labada lamaane ayagoo markaasi ka shuuraynaya oo ka wada fariisanaya sammeynta iyo gaarida go,aanada qoyska, arintaasina waxey si dhameystiran isu waafajineysaa oo heshiis waara oo xaqiiqiya ay dhex dhigaysaa labada lamaane waxayna meesha ka saareysaa in ruux uu ruuxa kale ku khasbo go,aan uusan kan kale ka warqabin ama uusan si niyada ugu qanacsanyn , hase ahaatee marka go,aanka la wadaago waxa uu ruux waliba dareemayaa naxariis iyo kalgaceyl buuxa, arin taasina waxey sare u qaadaysaa jaceylka jiritaankisa la rabo in la adkeeyo ee ka dhaxeeya labada lamaane.
2- Kaligii talisnimada: waa astaanta ugu weyn ee lagu garto guurka aan sii raageynin iyo qoyska aysan ka muuqan dhaqamada midnimada iyo jaceylka waara ee ka dhaxeeya labada lamaane, ninku waa qawaamka amaba hogaanka qoyska siduu ilaahey SWT ku sheegay quraanka mana wanaagsana inuu masuuliyadaasi ku tagrifalo oo falal kalitalisnimo ah ugu geysto xaaskiisa, waana inuu dabeecada mida ugu wanaagsan kula dhaqmo reerkiisa, wanaagana faro xumaantana ka reebo isagoo ku dayanaya suubanaha NNKH xoogana uu saaro siduu ku baran lahaa qaabka ugu sahlan ee loo abuuri karo jaceyl, dulqaad iyo xushmad dhex marta isaga iyo xaaskiisa kadibna u gudubta ubadkooda si ay niyadooda u xasisho amaba ay u nagaato.
3- Xiriirka gurracan: waxyaabaha burburiya midnimada qoyska waxaa kamida xiriirka gurracan ee aanan u soconin qaabkii loogu talo galay waayo lamaanayaasha qaarkood waxaad arkaysaaa iyagoo isula dhaqmaya sidii dad cadaawad iyo xumaani ay ka dhaxeyso halka la rabey iney isula dhaqmaan sidii dad jaceyl, raxmad iyo ala kacabsi uu ka dhaxeeyo, xiriirka guracan astaamaha ugu waaweyn ee dhinaca bulshada soomaalida lagu garto ayaa waxaa kamida in ninku isagoo ka duulaya hogaanka qoyska uu ku adkaysto inaanan hadalkiisa aanan hadal la daba dhigi Karin, iyadoo xaaska ama haweenayduna ay halgan u gasho sidii hadal walba oo ka soo baxay dibnaha seygeeda ay u haleeli lahayd midkaas lamida amaba kasii daran.
4- Raalligalin buuxda iyo mahadnaq: mahad naq idilkeed waxey u sugnaatay rabbi SWT, haddana xaqiiqdii waxaa loo baahan yahay in aadanuhu ay isugu mahad naqaan wanaaga iyo waxqabadka dhex mara bulsho walba, haddaan jaleecno dhinaca lamaanaysha isqaba haba ugu badnaatee dhinaca haweenka la qabo qaarkood waligood ragooda ma tusaan wax dareen ah oo muujinaya raaligalin buuxda iyo mahadnaq ay ay u samaynayaan marka la wanaajiyo amaba wax cusub oo ay jecel yihiin loo gado, taasi oo ay uga gol leeyihiin garasho hooseysa oo dumarka qaarkood lagu ibtileeyay taasi oo ay iskaga dhaadhiciyeen hadaad u mahad celiso armuu hadiyada iyo wanaaga kaa deystaa iyo armuu hablaha kalana sidaasoo kale ugu geeyaa hadiyadaan oo kale, dhinaca kale dumarka qaarkood waxay ragooda ku dhibaan arrimo muujinaya kalsooni daro caksi ku ah raaligalinta lamaanayaasha is qaba, kalsooni daradaan ayaa waxey ku baaraan sidey ku ogaan lahaayeen in haween kale uu seyga la socdo amaba uu horey lugta usoo mariyey, si taasi lamid ah ragga qaarkood waxey caadeysteen iney si naxariis darran ay ula hadlaan haweenkooda iyagoo ula dhaqmaya sidii qof adoon u ah iyagoonan markaasi u haysan iney haweenaydaasi ay tahay qofey nolosha wadaageen oo xuquuq farabadani ay isku leeyihiin, ragga qaarkood dumarkooda wey liidaan oo sharaf tiraan halka qaar kalena ayba si arxan darro ah ugu gacan qaadaan iyagoonan qaarkoodna wax coda amaba fikrada ah uga ogollaan iney ku darsadaan tallada qoyska.
DARDAARAN DAR ILLAAHAY AH.
Hadaba akhristoow waxaan talo kuugu soo jeedinayaa marba hadii aad rabto inaad gaartid guusha qoyska, guurkaaguna uu noqdo midaad ku liibaanto ha hilmaamin talooyinkaan kaaga yimid qalbi walaalka ah oo jecel iney hagaagto usra kasta oo ku salaysan diinteena islaamka gaar ahaana qoysaska soomaaliyeed:
1- waligaa si shucuuri ku jirto, muuqata islamarkaana maskixiyana ha u aflagaadeynin hana u gacan qaadin lamaanahaaga waayo nabigii ku dayashada mudnaa NNKH waligii six xun ullama dhaqmin lamaanayaashiisa (hooyooyinkii muminiita), ha noqonin raggii uu nebbigu sheegay ee maalintiina haweenkooda sida addoonta u garraaca habeenkiina la seexda (naageysta).
2- Ka taxaddar goor walba waxaad ku leedahay lammaanahaaga marka aad careysan tahay amaba aad murugeysan tahay, mararka qaar waxaa suuro gal ah inaad ku tiraahdo hadal uur ku taallo ku yeesha lamaanahaaga isla markaana ku beera cadaawad xeeldheer, adiguna aad si dhaba uga shalayso hadalkaasi aad ku tiri, hadiiba aad carreysan tahay isku dey inaad sugto intaad ka xasileyso, una muuji dabecsanaan gacaliyahaaga/gacalisadaada iskuna day inaad noqoto ruux laasima oo joogteeya samirka, naxariista, lamaanihiisana kula dhaqma dabciga kan ugu qaboow.
3- Isku day inaad si dhaba ula saaxiibto lammaanahaaga una muuji inaad xiiso u hayso goor walba kana dheeroow inaad lammaanahaaga hal hooy iskula nooshihiin hadana aadan labadiinuba wax iska garaneyn, iyadoo ay wanaagsan tahay in si wada jira looga shaqeeyo sidii lamaanayashu ay isu tusi lahaayeen jaceyl dhameeystiran iyo barasho xeel dheer.
4- U muuji mahadnaq iyo dabecsanaan lamaanahaaga sidaad u gaarto guusha nolosha, isku day inaad goor walba uga mahad naqdo lamaanahaaga wax walba oo uu ka qabtay wanaagga qoyska, gabar yahay haka dhigin ninkaaga midaan waxba qaban Karin oo wax matare ah, adigana ha u muujinin inaadan ku qanacsanayn dadaalkiisa, hadii kale xaqiiqdii waa hubaal inuu noqonayo ruux caajisloow ah oo aan waxba qaban Karin, dhiiri galin sii seygaaga/ninkaaga kadibna uga mahad celi tilaabo kastoo hormarineed ee uu sameeyo waayo nabigu NNKH waxa uu yiri: maalinta qiyaame eebe ma fiirinayo haweenka aanan u mahadnaqin raggooda.
5- Isku day saaxiiboow in taasi lamida oo waliba kabadan inaad ugu mahad naqdo xaaskaaga, wax walba oo wanaag ah, gaar ahaan hawsha guriga oo ah mid aad iyo aad u dhib badan, dhabtii Markey adiga iyo ubadkaagaba idin xanaanayso wey mudan tahay in masuuliyadaasi looga mahad celiyo lagu ammaano isla markaana lagu dhiiri galiyo, xitaa hadiiba aysan uga soo bixin hawsha sidii loo baahnaa.
6- Isku day inaad isku lamaaniso lamaanahaga waayo waa muhiim inaad gabadha la qabato hawsha guriga si ay u dareento inaad tahay lammaane dhab ah, hadiiba aad gacan mar walba isa siisaan waxaa hubaal ah iney arintaasi sare u qaadayso jaceylka labada lammaane kalsoonida iyo isaaminaadana ay kaydinayso.
7- Xiriir wanaajintu waxey kamid tahay qodobada ugu muhiimsan ee is fahamka labada lamaane iyo libinta ugu weyn ee guurka guusha u horseeda, kaliya maahan inaad xiriirka u wanaajisid seygaaga amaba xaaskaaga waa muhiim inaad xiriir kan ugu wanaagsan kula macaamisho qaraabada iyo ehelada lamaanahaga , waxaa muhiim ah iney si dhaba u wada hadlaan labada lamaane xataa hadii ay isqabtaan oo ay isgafaan waa iney labadoodu isku dayaan iney wax waliba xalliyaan, dhibaato walboo soo kala dhexgashana waa iney xal u raadiyaan intay ugubka tahay, waana iney joojiyaan iney gebiba isku soo qaadaan dhibaatooyinkii horey u dhex maray oo ay xaliyeen goor hore waayo waxay abuuri kartaa cadaawad iyo cuqdada hor leh oo burburisa xiriirkii muhiimka ahaa ee ka dhaxeeyay labada lamaane oo aan filayo in laga soo maray dhibaato aad u weyn.
8- Ha sahlanin nolosha oo qiimmee hana u hinnaasin oo ha u maseyrin dadka kuula muuqda iney kaa nolol fiican yihiin oo aad is leedahay waxay ku nool yihiin nolol ka raaxo badan mida aad ku nooshahay hana ilaawin risqiga iyo adduunyadaba inuu rabi bixiyo, hadaba si nafsadaada qanacsanaanta iyo raali ahaanshaha aad ugu sugto markasta xusuusnoow dadka kaa nolosha hooseeya, hana isku mashquulini kuwa kaa nolosha sarreeeya, ilaahayna uga mahadnaq naxariistiisa gaarka ah ee uu kugu manaystay.
9- Wakhti lammaanahaaga la qaado, si dhaba wakhtiyada qaarkood u xadid inaad la qaadato lammaanahaaga, haddiiba uusan lammaanahaagu rabin inuu wakhti gaara kula qaato wakhtiyada qaar kama dhigna inuusan ku jeclayn waayo shakhsi waliba waxa uu u baahan yahay wakhti uu kaligiis yahay, waxaa laga yaabaa inuu u baahan yahay inuu wax akhristo, inuu ka fekero dhibaatooyinka iyo dhacdooyinka dunida amaba uu iska nasto haddaba haka dhigin markaasi in lammaanahagu ku xadgudbay xiriirka dhabta ah ee lammaanayaasha oo uu markaasi dembi kaa galay.
10- Ku dhiirro oo ogoloow inaad qirato dembigaaga marba haddaad ku geftay lammaanahaga, kana raalli geli sida kuugu fudud adigoo dedajineysid, markii uu lammaanahaaga si lamida kuugu xadgudbana cafis buuxa sii oo ugu naxariiso ee haku ciqaabin cafiska, haddaad awoodana si fudud ku cafi, hadday suuro gal kuu tahayna walaal ha seexanin adigoo u careysan lammaanahaaga waa hubaal inaad ku liibaanaysee.
11- Isku dey inaad inta badan wax la cunto lammaanahaga iyo caruurtaada si aad u sugto isku xirnaanta qoyska, ugana mahad celi ruuxa cunada soo diyaarshey ee kariyey iyo waliba ruuxa soo shaqeeyay
12-Lammaanoow marna ha isku deyin inaad dad kale kala xaajooto waxyaabaha idin dhex maray adiga iyo lammaanahaaga aad is qabtaan, marba haddii aysan jirin wax diinta xiriir ku leh oo muqaddasa inaad soo bandhigto iska dhawr inaad xaalada dhafsiisid meel adiga iyo lammaanaga idin dhaafsiisan, lammaanayaasha qaarkood waxey caadeysteen iney u cawdaan oo u cataabaan dad kale iyagoo ka waramaya ruuxey nolosha isla riixayeen, taasina waa dhabaha iyo dariiqa horseeda musiibada ku habsata lammaanayaasha is doortey.
13- Ugu dambeyntiina xogta iyo arimaha sirta ah ee idiin dhaxeeya adiga iyo xaaskaaga/seygaaga waa inaad si dhameystiran aad si wada jira u xifdisaan, iskuna day inaad xaqiijiso inaad daawo iyo dejin aad u noqon karto lammaanahaaga waayo is dejin labada dhinaca waxey horseedi kartaa iney xifdiso guurka, guusha iyo farxada lammaanayaasha isqaba.
QORE: C/qafar Axmed Shire (Mr Gurxan)
Proffgurxan@raxanreeb.com










